May 9, 2016

Gabdha Buurbuuran iyo Kuwa Caatada ah Kuwee ayaa Ku wanaagsan Dhanka Sariirta?

Waxaa hubaal ah in ragu jecelyihiin gabdhaha buurbuuran caadiyan oo ay u maleeyaan inay ka helayaan raaxo aysan ka helayn gabdhaha caatada ah. haddaba gabdhaha buurbuuran iyo kuwa caatada ah kuwee ayaa dhanka sariirta ku wanaagsan. ka ogow siraha barta Shukaansiga ee shukaansi Blog.

Sida runta nin walba waxa uu ku hamiyaa inuu helo naag uu ka helayo raaxo dhamaystiran marka la joogo sariirta. raaxadaasi ha noqoto mid jireed iyo mid awood dareen.

Haddaba cimlmi baariso badan oo aan samaynay iyo kuwo ay sameeyeen khuburo caafimaad ayaa waxay ogaadeen in gabdhaha caatada ah ay ka raaxo macaanyihiin kuwa buurbuuran. siyaalaha la ogaaday inay uga raaxo badanyihiina waxaa ka mid ah.


  1. Dumarka caatada ah badanaa waa ka dareen kululyihiin kuwa buurbuuran
  2. Dumarka caatada ah waxay samayn karaan dhaqdhaqaaqyo aysan samayn karin kuwa buurbuuran.
  3. Dumarka caatada ah waxay leeyihiin badanaa naaso yaryar oo ku macaan dhanka salaaxida iyo dhuuqmada.
  4. Barida dumarka caatada ah waxay ka macaan tahay barida dumarka buurbuuran.
sidoo kale waxaa l sheegaa in dumarka caatada ah aysan marnaba ka daalayn in loo raaxeeyo halka dumarka buurbuuran ay gataati dhac noqonayaan marka laba jeer la garaaco.


lasoco qormooyin kaa caawin doona inaad heso nolol raaxo leh.


Dec 25, 2014

Qodbo siro: qarsi iyo quursi.

Ka dib markaan aragnay cabashooyin badan oo kasoo yeeraya waalidiin, dhallinyaro iyo gabdho da'yar taas oo ku saabsan dhibaatada ay leedahay farsamda qodbosiradu shukaansiblog waxa ay go'aansadeen inay idiin soo gudbiyaan xogo iyo talooyin la qodbasirada waxa ay tahay sida loo adeegsado cida adeegsata iyo sida dhibaatooyinkeeda looga hortagi karo, haddaba si aan usoo koobno qormadeena waxaan horay u galaynaa mawduuceena maanta oo ku saabsan qodbasirada.




May 6, 2014

Shan waxyaalood oo caafimaadka u roon.

    Waxaa jira waxyaalo fara badan oo qofka caafimaadkiisa jir ahaaneed u wanaagsan kuwaas oo haddii uu sameeyo u noqda go'aan fiican oo uu u aayo.
maadaama caafimaadku yahay waxa ugu horeeya ee qofka bini'aadankaa uu ka taxadaro la'aantiisna aysan suurta galayn qofku inuu anfaco nafiisa iyo bulshadiisa toona waxaa lagama maarmaan ah in caafimaadka la siiyo muhiimada koowaad, labaad iyo saddexaad.

     Haddaba shantaan waxyaalood waa kuwo muhiim ah oo caafimaadkaaga taabo galinaya kana dhigaya mid sugan oo faya qabkiisu yahay heersare.
qodobadaan caafimaad ee halkaan aan idiinku soo bandhigi doono waxay sidoo kale ka sugnaadeen xaga diinta waana dawooyin la soo isticmaalay oo diinta sunne iyo qoraanka lagu soo arkay.

1. xabbad sowdada:

      Wabbad sowdadu waa miro yar oo madmadow oo la cuno, la tumo oo lagu daro cabitaanka siiba shaaha ama la cabo, sidoo kale waxaa lagu milaa saliid islamakaana waa la cabaa ama la marsadaa oo lagu subkaa jirka qaybihiisa siiba madax, sanka cunaha iyo xabadka.
   
   xagee u roontahay:
waxay u roontay qaybaha sare ee jirka iyadoo qofka kala dirirta inuu ku abuurmo caabuq, duuf, sanboor iyo quman. waxa ay aad ugu fiicantahay daweynta sanka iyo cunaha sidoo kale waxaa loo adeegsan karaa xanuunada caloosha waana dawo wanaagsan oo ka sugnaatay nabigeena. waxaa ku saaran inaad isticmaashid maadaama ay u wanaagsantahay caafimaadkaaga, caafimaadkaaguna yahay waxa ugu muhiimsan ee aad ilaashato.
2. malabka:
   
    Waa shay hoor ah, midab casuus ah leh oo ay samayso shinnidu ka dib marka ay soo nuugto dhirta kala duwan ubaxeeda.
waa dawo aan la isku hayn taas oo u wanaagsan xanuuno badan oo xiligan aad ugu soo badanaya wadankeena sida Dhiig karka, macaanka iyo laabjeexa. waxa kale oo uu aad wax uga taraa caloosha oo uu ka qayb qaato sifaynteeda iyo qashin saarkeeda.
waxaa sidoo kale la xaqiijiyey inuu qayb muhiim ah ka ciyaaro ilaalinta timaha luma ama jarma uuna ka hortago bidaarta degdega ah sidoo kalena uu soo celiyo timaha bidaaroobey ee waqtigooda gaarin.
waa dawo u wanaagsan caafimaadkaaga ee cun.

3. caanaha:
    
    Caalamka qof walba oo jooga waxa uu cabaa caanaha waxay ay caanuhu ka qayb qaataan caafimaadkaaga ayagoo la dagaalama ama soo celiya unugyada ku luma shucaaca qalabka farsamada casrigaa ay sii dayaan iyo dhibaatooyinka ay keenaan shaqada iyo daalka faraha badan.
     Caanuhu waxay dhisaan maskaxda waxayna ka hortagaan xanuuno badan sidoo kale waxaa muhiim ah in qofku uu la socdo inay haboontahay in ubadka lagu waraabsho caanaha inta ay yaryihiin.

4. qaraha ama xabxabka:

     Qaruhu waxa uu ka qaybqaataa sifaynta iyo nadiifinta qaybta kaadi mareenka ee jirka bin aadanka isagoo si wanaagsan u xaliya dhibaatada kaadiyeed ee qofka soo food saarta, kaadida oo ah qashin aad u dhibaato badan iyo suman uu aruursahay habdhiskaasi waxaa si waafi ah jirka uga saara waa qaraha. si caafimaadka kaadi mareenkaagu u noqdo mid wanaagsan fadlan qaraha badso.

5. basha iyo toonta:
   Waa labo shay oo qaali ah kuwaas oo waxtara dheecaanka u dhexeeya lafaha si wanaagsana u soo celiya. maadaama ay yihiin geed kulay waxa kale oo ay la dagaalamaan hargabka iyo waxyaalaha ay soo waaridaan dabaysa iyo dhaxant.

   Caafimaadkaaga ka taxadar oo ilaasho waa adiga waxa aad qiimo ku leedahay caafimaadku ee ha moodin inaad caafimaad la'aan naftaada iyo cid kale toona aad wax taraysid.

May 3, 2014

3 qodob oo naftaada wax u dhimi kara.

dhibaatooyinka balwada
Waxaa jira waxyaalo badan oo dadka caafimaadkooda, waxsoosaarkooda iyo firfircoonidooda hoos u dhiga si baaxad leh.
haddaba halkaan ayaan idinku soo gudbinaynaa saddexda ugu daran ee wax u dhima noloshaada.






1. balwada:

waxaa ugu caansan Xashiishka, Qaadka, Sigaarka iwm waa shayga koowaad ee naftaada baabi'iya waxa uuna kugu abuuraa.

- xushmadaada oo baaba'da
- noloshaada oo is bedesha
- caafimaadkaaga oo xumaada

iyo waxyaalo kale oo aan lasoo koobi karin.
waxaana soo jeedin ahaan usoo jeedinaynaa si loo helo farxad dhamaystiran mid gaar ah iyo mid qoysba in laga fogaado waxyaalaha balwada ah.

2. daryeel la'aanta nafta:

waxaa ugu horeeya soo jeedka badan cunto qaab daran oo aad cuntid, taxadar la'aanteeda, nadaafada oo aadan daryeelin iyo adigoo badsada wax alaale iyo wixii dhibaato kuu keeni kara.

3. haddalka xun:

haddalka xumi waxa uu kuu soo jiidaa dhibaatin badan iyo tacadiyo nafeed oo badan waxaa ku karaahsanaya bulshada waxaana ku haleelaya cuduro baaxad leh oo aadan garanayn waxa ay yihiin.

haddaba ka fogow intaanba adigoo ku bedelanaya, ciyaaraha, jimicsiga, waanada, la talinta.



May 2, 2014

Sidee farxada qoyska loo laasimaa?

sawirka-qoys-faraxsan
qoys faraxsan

qoys walba waxa uu ku dhismaa, taaba galaa, tanaadaa ama ku burburaa baaxada ay le'egtahay farxada guriga qoyskaas ku duugan.

haddaba akhriso 10 qodob oo ka qayb qaata farxada qoyska:
si aad ugu soo baxdid mid qoyskiisa ama ka mustaqbalkiisu ay faraxsanyihiin fadlan raac talaabooyinkaan.

1. daacadnimo: 

ma jirto wax ka qaalisan oo lagu farxo lamaane daacad kuu ah markaasna ka shaqaynay sidii aad u higsan lagayd horumarka aad ka damacsantahay nolosha.

2. howlkarnimo iyo firfircooni:


labada qof ee is qaba marka ay doonayaan in gurigoodu uu noqdo beer dhalaalaysa oo loosoo xiiso waa in laga helaa labada lamaane mid walba howlkarnimo dheeraad ah oo uu muujiyo xiliga guriga iyo bulshada dhexdeeda intaba.

3. qalbi furnaan: 


guriga lamaanaha ku nooli haday kala aaminsanyihiin waxyaalo keeni kara aamusnaan, baqdin iyo canaan waxaa dawo u noqon kara in labada ruux ay isu muujiyaan qalbi furnaan iyo kalgacayl.

4. qiimayn:


guri aan qiimayn iyo ixtiraam oolin ha noqoto labada lamaane ee is qaba ama xigaalka, deriska iyo xididkee waxa uu noqonayaa meel aan la jecclaysan waxaana ka soo baxaya farxad la'aan keeni akarta dhibaato weyn.


5. nadaafad: 


bilnaanta jir ahaaneed, guri ahaaneed iyo muuqaal wanaagsan waxay kordhiyaan oo kor u qaadaan xubiga iyo wanaaga ay isku hayaan labada lamaane, waxaana soo ifbaxaya udgoonka iyo quruxda ay leedahay nolosha lamaanaha ah.


6. gacan furnaan:

gabadhu marka ay ninkeeda isku halaynayso waxyaalaha ugu horeeya ee ay fiirinayso waa sida wanaagsan ee uu u hurayo waxyaalaha keenaya in gurigu uu u ekaado mid laga fekerayo iyo mid loo quuurayo waxyaalaha dhisaya bilicdiisa iyo degenaantiisa.


7. maamulid:


maamulida murugada, dhibaatooyinka, iyo ismaandhaafku waa xirfad looga baahanyahay qof walba oo doonaya inuu farxada gurigiisu noqoto mid dhamaystiran.

8. kalsooni:


kalsooni daradu waa cuqdad ka dhalata kas ama kama ha u dhacdee waxyaalo uu qofku ka dareemo lamaanihiisa si farxadu u labajibaarmato qofwalba waxaa laga doonaya inuu ka shaqeeyo siduu u dhisi lahaa kalsooni adag oo aan suurto galineyn in labo lamaane isqabtaan.


9. soo jiidasho:

nooca soo jiidasho ee raali galisa mid walba oo lamanaha ka mid ahi waa inuu muujiyo rabitaan, qanacsanaan iyo aaminaad dheeri ah iskuna dayaa qofwalba oo ka mid ah inuu kankale usoo jiito sidii magandkii oo kale.


10. faraxsanaan:

farxada oo ah waxa aan u doonayno inay lamaanuhu helaan ayaa saamayn weyn ku leh sida loo dhiso farxad, mida aan ka hadlayona waa in qofwalbaa gaarkiisa u muujiyaa waji furnaan, ilkacadayn iyo xiiso.

tobonkaas qodon ayaan oran karnaa waa tobonka qodob ee ugu muhiimsan kuwaas oo saamayn weyn ku leh sida ay u noolaanayaan labada lamaane ha ahaadaan kuwo isku cusub ama kuwo mudo soo wada joogay.


Apr 11, 2013

qaababka la iskugu diyaariyo raaxada sariirta (akhri)



Raaxa sariireed degdegta oo socota waqti gaaban isla markaana dhamaata wax nah ah ay leedahay ma leh labada qof ee raaxadaas wada qaadanayana ma helayaan qanac dhamays tiran haddaba hadaad si fiican u akhrisid qodoban isla markaana aad si wanaagsan u fulisid waxaa hubaala ah in aad gaaraysid raaxo dhamaystiran isla markaana ay noloshiina ka lamaane ahaan ay wax weyn iska badalayaan gurigana ay ku soo kordhayaan farxad iyo nashaad dheeraad ah.
siyaalaha la iskugu diyaariyo sariirta oo dhamays tiran ayaan idiin soo gudbinaynaa ka bogo oo meel mari.

hadaba sidee la iskugu diyaarshaa?

Habeenka aad rabtid in aad u raaxaysid ama aad la qaadatid waqti xusuus mudan saaxiibtaa\kaa waa in aad:
  1. nasataa maalinta ka horaysa adigoo seexanaya hurdo aan lagaa dhex galin kuna seexanaya shayga ugu raaxada badan ee aad heli kartid isla markaana seexanaya meel shanqar iyo buuq ka dheer darajada kulaylkeeduna uu yahay mid aad u dhexdhexaad ah.
  2. qaado cunto wanaagsan oo u badan mid nafaqo leh adigoo iska ilaalinaya in aad dareentid gaajo isla markaana cab sharaab uu ku badanyahy vitamin-C isla markaasna jirkaaga ka uumi baxa.
  3. galabtii markii la gaaro guda gal hagaajinta iyo nadiifinta jirkaag adiga oo ka bilaabaya ilkahaaga kuna xiginaya jirka intiisa kale ku qabayso biyo aab kulalayn sidoo kale isticmaal waxyaalaha jirka lagu nadiifiyo sida saabuun shaamboo iwm ha ilaawin in aad cuntid waxyaalo cunto fudud ah oo u badan qudaar iyo hal koob oo qaxweah
  4.  maqribka marka la gaaro qaado casho wanaagsan -hadaad ninka tahay guriga agagaarkiisa iska layrso, -hadaad gabadha tahay markaas waxaa kuu yaala shaqo aad u fara badan
qabays gaaban qaado ka dibna sariirtaad ama qolkaaga iska sii tag adiga oo udug aad us sareeya isticmaalaya isla markaana ku mashquulaya kala bixinta jirkaaga iyo timahaaga

5. cishaha marka la gaaro u diyaar garooba labadiinuba raaxada ayadoo ay mid waliba kan kale ku caawinyo in jawigu uu noqdo mid laga damacsanyahay in laga gaaro raaxo dhamays tiran,

6. ciyaarta markaad bilowdid ha ku dagdagin in aad isla markiiba labada geed afka isku galisaan ee ka hor mariya baashaal iyo sheeko wadnaha taabanaysa mudo qiyaas ahaan 60 daqiiqo ah.


hadaad fulisid qodobadaan waxaan kuu hubnaa in ay halkas ka abuurmayso raaxo nudo socota iyo farxad waarta, waxaana arkaysaa in kala fogaanshaha adi iyo xaaskaaga ay meesha ka baxayaan waxaana hubaala ah in aad si daynaysaan wax danbe oo masayr ah...

Jan 17, 2013

SIDEE LOO KORDHIYAA DAREENKAAGA KACSIGA? (ragga)


 WALIGAA MA DAREENTEY CEEB IYO YAXYAX MARKA AAD TAGTAY SARIIRTA? QANCIN LA'AANTA LAMAANAHAAGA DARTEED?
WALIGAA GAARIGU MA KAAGA DAMAY MEEL DHEXE ADOO AAN GAARIN HOYGAAD U SOCOTAY?
WALIGAA MA IS TIRAAHADAY TOLOW WAAD JIRANTAHAY EE IS DAWEE?
jawaabahaaga haday haa u bataan sii aqri warbixintan si aad u ogaatid dhibaatadaada.

xusuuso oo qalbiga ku hay qalab adag oo xoogani waa waxa ay dumarku u dhintaan(baahida u qabaan) marka aad gaariga ku wadid sariirta dhexdeeda.
haddaba waxaan kuu hayaa 7 qodob oo kaa caawinaya in aad heshid geed dhagax oo kale ah.