Jun 21, 2012

SOO JIIDASHA LAMAANAHA.

jacaylka iyo nolosha guud ahaanteedba waxa ay u baahanyihiin faham iyo farshaxan in lagu dheeho si ay dha-dhan iyo qiimo u yeelato.
dhal-dhalaalinta iyo boor ka jafida joogtada ahna waxay u siyaadiyaan qiime iyo wanaag dheeraad ah.
markastoo aad isku daydo in aan baratid hababka iyo jaangooyooyinka nolosha waxaa kuu sii siyaadayada khibrad dheeri ah iyo waayo aragnimo baaxad leha , hadaba inta aadan isku dayin in aad soo jiidato qof aad danaynayso maxaa kula haboon in aad samaysid iyo sidoo kale in aadan samaynba.
mararka qaarkood waxaa dhacda adoo isku dayaya in aad soo jiidato ruux in uu kaasii fogaado masaafooyin aadan qiyaasi karin.
si aysan taasi u dhicin waxaan si kooban jeclahay in aan u faaqido waxyaalaha loo baahanyahay in aad isla markaasba ku dhaqaaqdo si aad u saxdo khaladaadka kaa fogeeyey lamaanahaaga.

Jun 19, 2012

ERAYO SHUKAANSIYEED

Dhaqan ahaan somalidu waxay leedahay af hodan ah oo marka loo eego afafka kale ka cajiibsan waxaase hubaal ah afkaas qaaliga ah haddan loo adeegsan sida uu yahay iyo sida erayadiisu ugu adeeaan qayb kasta oo nolosha ka mid ah in ay imaanayso is faham waa dhex mara dadkaas adeegsanaya afkaas si ay usugu tabiyaan akhbaar gaar ahaaneed.
Marka loo imaado dhanka jacaylkana waaba ka sii xagjirtaa haddaba halkaan waxaan ku soo uruurinayaa wrayo haasaaweed door ah waliba aniga oo isku dayaya mid walba sida loo isticmaalo xiliga la isticmaalo iyo qaabka loogu dhawaaqo amaba loo dhigo marka la isticmaalyo.

Jun 15, 2012

WAA MAXAY JACAYL?

Khuburo badan ayaa isku waafaqan in jacaylku yahay xanuun ka mid ah xanuunada dhimirka ku dhaca isla markaana sababa dhacaan kiimikeed ka soo dareera qayb ka mid ah maskaxda kaas oo sameeya dhamaan qaybaha jirka, jacaylku marka aynu u hadlayno qaab dhaqan ama sida ay ka aaminsanyihin dadka aan adeegsan dhibigu waa dareen lama filaan ah oo ay keento baahida ruux u qabo walax uu ogyahay in ay anfaco u leedahay isla markaana uu u hayo xiise iyo xushmo gaar ah, marka laga tago dadka oo ah wax garad isla markaana diimooniin kara dareenkisa waxan tusaale uso qaadan karnaa xayawaanka oo marku arko ama dareemo walax uu is leeyahay dan gaar ah aya kuugu jirta laga dareemo astaamo fara badan sida: