Dec 25, 2014

Qodbo siro: qarsi iyo quursi.

Ka dib markaan aragnay cabashooyin badan oo kasoo yeeraya waalidiin, dhallinyaro iyo gabdho da'yar taas oo ku saabsan dhibaatada ay leedahay farsamda qodbosiradu shukaansiblog waxa ay go'aansadeen inay idiin soo gudbiyaan xogo iyo talooyin la qodbasirada waxa ay tahay sida loo adeegsado cida adeegsata iyo sida dhibaatooyinkeeda looga hortagi karo, haddaba si aan usoo koobno qormadeena waxaan horay u galaynaa mawduuceena maanta oo ku saabsan qodbasirada.




May 6, 2014

Shan waxyaalood oo caafimaadka u roon.

    Waxaa jira waxyaalo fara badan oo qofka caafimaadkiisa jir ahaaneed u wanaagsan kuwaas oo haddii uu sameeyo u noqda go'aan fiican oo uu u aayo.
maadaama caafimaadku yahay waxa ugu horeeya ee qofka bini'aadankaa uu ka taxadaro la'aantiisna aysan suurta galayn qofku inuu anfaco nafiisa iyo bulshadiisa toona waxaa lagama maarmaan ah in caafimaadka la siiyo muhiimada koowaad, labaad iyo saddexaad.

     Haddaba shantaan waxyaalood waa kuwo muhiim ah oo caafimaadkaaga taabo galinaya kana dhigaya mid sugan oo faya qabkiisu yahay heersare.
qodobadaan caafimaad ee halkaan aan idiinku soo bandhigi doono waxay sidoo kale ka sugnaadeen xaga diinta waana dawooyin la soo isticmaalay oo diinta sunne iyo qoraanka lagu soo arkay.

1. xabbad sowdada:

      Wabbad sowdadu waa miro yar oo madmadow oo la cuno, la tumo oo lagu daro cabitaanka siiba shaaha ama la cabo, sidoo kale waxaa lagu milaa saliid islamakaana waa la cabaa ama la marsadaa oo lagu subkaa jirka qaybihiisa siiba madax, sanka cunaha iyo xabadka.
   
   xagee u roontahay:
waxay u roontay qaybaha sare ee jirka iyadoo qofka kala dirirta inuu ku abuurmo caabuq, duuf, sanboor iyo quman. waxa ay aad ugu fiicantahay daweynta sanka iyo cunaha sidoo kale waxaa loo adeegsan karaa xanuunada caloosha waana dawo wanaagsan oo ka sugnaatay nabigeena. waxaa ku saaran inaad isticmaashid maadaama ay u wanaagsantahay caafimaadkaaga, caafimaadkaaguna yahay waxa ugu muhiimsan ee aad ilaashato.
2. malabka:
   
    Waa shay hoor ah, midab casuus ah leh oo ay samayso shinnidu ka dib marka ay soo nuugto dhirta kala duwan ubaxeeda.
waa dawo aan la isku hayn taas oo u wanaagsan xanuuno badan oo xiligan aad ugu soo badanaya wadankeena sida Dhiig karka, macaanka iyo laabjeexa. waxa kale oo uu aad wax uga taraa caloosha oo uu ka qayb qaato sifaynteeda iyo qashin saarkeeda.
waxaa sidoo kale la xaqiijiyey inuu qayb muhiim ah ka ciyaaro ilaalinta timaha luma ama jarma uuna ka hortago bidaarta degdega ah sidoo kalena uu soo celiyo timaha bidaaroobey ee waqtigooda gaarin.
waa dawo u wanaagsan caafimaadkaaga ee cun.

3. caanaha:
    
    Caalamka qof walba oo jooga waxa uu cabaa caanaha waxay ay caanuhu ka qayb qaataan caafimaadkaaga ayagoo la dagaalama ama soo celiya unugyada ku luma shucaaca qalabka farsamada casrigaa ay sii dayaan iyo dhibaatooyinka ay keenaan shaqada iyo daalka faraha badan.
     Caanuhu waxay dhisaan maskaxda waxayna ka hortagaan xanuuno badan sidoo kale waxaa muhiim ah in qofku uu la socdo inay haboontahay in ubadka lagu waraabsho caanaha inta ay yaryihiin.

4. qaraha ama xabxabka:

     Qaruhu waxa uu ka qaybqaataa sifaynta iyo nadiifinta qaybta kaadi mareenka ee jirka bin aadanka isagoo si wanaagsan u xaliya dhibaatada kaadiyeed ee qofka soo food saarta, kaadida oo ah qashin aad u dhibaato badan iyo suman uu aruursahay habdhiskaasi waxaa si waafi ah jirka uga saara waa qaraha. si caafimaadka kaadi mareenkaagu u noqdo mid wanaagsan fadlan qaraha badso.

5. basha iyo toonta:
   Waa labo shay oo qaali ah kuwaas oo waxtara dheecaanka u dhexeeya lafaha si wanaagsana u soo celiya. maadaama ay yihiin geed kulay waxa kale oo ay la dagaalamaan hargabka iyo waxyaalaha ay soo waaridaan dabaysa iyo dhaxant.

   Caafimaadkaaga ka taxadar oo ilaasho waa adiga waxa aad qiimo ku leedahay caafimaadku ee ha moodin inaad caafimaad la'aan naftaada iyo cid kale toona aad wax taraysid.

May 3, 2014

3 qodob oo naftaada wax u dhimi kara.

dhibaatooyinka balwada
Waxaa jira waxyaalo badan oo dadka caafimaadkooda, waxsoosaarkooda iyo firfircoonidooda hoos u dhiga si baaxad leh.
haddaba halkaan ayaan idinku soo gudbinaynaa saddexda ugu daran ee wax u dhima noloshaada.






1. balwada:

waxaa ugu caansan Xashiishka, Qaadka, Sigaarka iwm waa shayga koowaad ee naftaada baabi'iya waxa uuna kugu abuuraa.

- xushmadaada oo baaba'da
- noloshaada oo is bedesha
- caafimaadkaaga oo xumaada

iyo waxyaalo kale oo aan lasoo koobi karin.
waxaana soo jeedin ahaan usoo jeedinaynaa si loo helo farxad dhamaystiran mid gaar ah iyo mid qoysba in laga fogaado waxyaalaha balwada ah.

2. daryeel la'aanta nafta:

waxaa ugu horeeya soo jeedka badan cunto qaab daran oo aad cuntid, taxadar la'aanteeda, nadaafada oo aadan daryeelin iyo adigoo badsada wax alaale iyo wixii dhibaato kuu keeni kara.

3. haddalka xun:

haddalka xumi waxa uu kuu soo jiidaa dhibaatin badan iyo tacadiyo nafeed oo badan waxaa ku karaahsanaya bulshada waxaana ku haleelaya cuduro baaxad leh oo aadan garanayn waxa ay yihiin.

haddaba ka fogow intaanba adigoo ku bedelanaya, ciyaaraha, jimicsiga, waanada, la talinta.



May 2, 2014

Sidee farxada qoyska loo laasimaa?

sawirka-qoys-faraxsan
qoys faraxsan

qoys walba waxa uu ku dhismaa, taaba galaa, tanaadaa ama ku burburaa baaxada ay le'egtahay farxada guriga qoyskaas ku duugan.

haddaba akhriso 10 qodob oo ka qayb qaata farxada qoyska:
si aad ugu soo baxdid mid qoyskiisa ama ka mustaqbalkiisu ay faraxsanyihiin fadlan raac talaabooyinkaan.

1. daacadnimo: 

ma jirto wax ka qaalisan oo lagu farxo lamaane daacad kuu ah markaasna ka shaqaynay sidii aad u higsan lagayd horumarka aad ka damacsantahay nolosha.

2. howlkarnimo iyo firfircooni:


labada qof ee is qaba marka ay doonayaan in gurigoodu uu noqdo beer dhalaalaysa oo loosoo xiiso waa in laga helaa labada lamaane mid walba howlkarnimo dheeraad ah oo uu muujiyo xiliga guriga iyo bulshada dhexdeeda intaba.

3. qalbi furnaan: 


guriga lamaanaha ku nooli haday kala aaminsanyihiin waxyaalo keeni kara aamusnaan, baqdin iyo canaan waxaa dawo u noqon kara in labada ruux ay isu muujiyaan qalbi furnaan iyo kalgacayl.

4. qiimayn:


guri aan qiimayn iyo ixtiraam oolin ha noqoto labada lamaane ee is qaba ama xigaalka, deriska iyo xididkee waxa uu noqonayaa meel aan la jecclaysan waxaana ka soo baxaya farxad la'aan keeni akarta dhibaato weyn.


5. nadaafad: 


bilnaanta jir ahaaneed, guri ahaaneed iyo muuqaal wanaagsan waxay kordhiyaan oo kor u qaadaan xubiga iyo wanaaga ay isku hayaan labada lamaane, waxaana soo ifbaxaya udgoonka iyo quruxda ay leedahay nolosha lamaanaha ah.


6. gacan furnaan:

gabadhu marka ay ninkeeda isku halaynayso waxyaalaha ugu horeeya ee ay fiirinayso waa sida wanaagsan ee uu u hurayo waxyaalaha keenaya in gurigu uu u ekaado mid laga fekerayo iyo mid loo quuurayo waxyaalaha dhisaya bilicdiisa iyo degenaantiisa.


7. maamulid:


maamulida murugada, dhibaatooyinka, iyo ismaandhaafku waa xirfad looga baahanyahay qof walba oo doonaya inuu farxada gurigiisu noqoto mid dhamaystiran.

8. kalsooni:


kalsooni daradu waa cuqdad ka dhalata kas ama kama ha u dhacdee waxyaalo uu qofku ka dareemo lamaanihiisa si farxadu u labajibaarmato qofwalba waxaa laga doonaya inuu ka shaqeeyo siduu u dhisi lahaa kalsooni adag oo aan suurto galineyn in labo lamaane isqabtaan.


9. soo jiidasho:

nooca soo jiidasho ee raali galisa mid walba oo lamanaha ka mid ahi waa inuu muujiyo rabitaan, qanacsanaan iyo aaminaad dheeri ah iskuna dayaa qofwalba oo ka mid ah inuu kankale usoo jiito sidii magandkii oo kale.


10. faraxsanaan:

farxada oo ah waxa aan u doonayno inay lamaanuhu helaan ayaa saamayn weyn ku leh sida loo dhiso farxad, mida aan ka hadlayona waa in qofwalbaa gaarkiisa u muujiyaa waji furnaan, ilkacadayn iyo xiiso.

tobonkaas qodon ayaan oran karnaa waa tobonka qodob ee ugu muhiimsan kuwaas oo saamayn weyn ku leh sida ay u noolaanayaan labada lamaane ha ahaadaan kuwo isku cusub ama kuwo mudo soo wada joogay.