Oct 15, 2011

WAA MAXAY SHUKAANSI?

Waxaa iska caddaan ah marka la soo qaado erayga shukaansi in dad badan ay dhagta taagayaan oo ay niyadooda ku soo dhacayso inan iyo inan hasaawe dhex marayo taas oo jirta ayaan hadana waxaan jeclahay in aan halkan ku falanqeeyo shukansiga iyo waxa uu yahay.
haddaan wax yar ku nasano erayga shukaansi waxaa jira erayo kale oo la macne ah kuwaas oo aan isku dayi doono in aan lafo gurno. erayadaasna waxaa ugu caansan xodxodosho,haasaawe,sheekaysi iyo erayo kale oo somaligu aad ayuu u badanyahaye aan halkan agu soo koobi karayn.
SHUKAANSI: macne ahaan waxay noqon kartaa qalqaalo iyo ku qancin in ruux ku dhiirado falida wax ruux kale uu dan bidayo, waxaadna maqashaa dhalinta oo marar badan leh odaygii aabe ahaa ayaan xoogaa lacag ah ka shukaansanayey isaga oo
ula jeeda qalqaalo, hadaanse ka eegno dhinaca eraygu asal ahaan u taaganyahay waxaan oran karnaa waxaa