Jul 8, 2012

WAA MAXAY MASAYR? maxa keena maxaase looga hortagi karaa?


Dadka qaar ayaa aaminsan in masayrku yahay ififaale ama calaamad muujinaysa jacayl Doodoodana waxay ku saleeyaan "qof aan ii masayrayn ima jecla ama ima Danaynayo"   waxaadna marar badan maqlaysaa ereyadaas iyo kuwa kaloo badan Haddaad u dhabo gashid ama aad dhagaysatid goobaha ay da'yartu ku kulmaan.

Dhaqankaas la falqalay quluubteena ayna adagtahay si la nooga tir tiraahi waxay u Muuqataa in uu yahay mi aad wax badani
kajirin.

Haddaba waxaa is weydiin mudan waa maxay masayr? maxaa sababa? maxaase Lagu garan karaa ruuxa uu masayrku taabtay, dawadiisuse waa maxay?.

Aynu u guda galno si qoto dheer kana dhugano dhinacyo badan oo baaxad weyn inaga Oo isla markaana isku dayeyna in ayno soo koobno.

Masayr: "waa dareen kulul kaas oo xambaarsan feker iyo dareeno qalafsan oo baqdineed, kalsooni daro iyo ka shakin in ruux waayo ruux agtiisa qiimo ka leh amase uu is leeyahay waa kuu muhiim".
Halkaas waxaa kaaga cadaanaysa in jacaylka iyo masyrku ay lug isku leeyihin balse Saamayntaasi aysan ahayn mida dad badani ay amineen, qofkii dhuuxana waxaa usoo Baxaya fikir ka duwan midka uu ka aaminsanyahay xiriirka masayrka iyo jacaylka.

Marka la eego doodii ahayd  "qofkan waa iga masayraa mawaysan cadaynayn jacayl uu ii qabo" waxaan leeyahay"maya cadayn mayso taas waxay cadaynaysaa kalsooni xumo iyo baqdin uu kaa qabo" masayrkuna  waxa uu ku Jiraa booska cabsida iyo shakiga ee kuma jiro booska jacaylka.

Maxaa sababa masayr?:
Waa su'aasha uguu adag ee la is waydiiyo marka ay timaado ka hadalka eryagan Masayr waxayna u baahantahy jawaabteedu in lagu saleeyo cilmi iyo feker saliim ah.
Marka haddaan soo koobo "masayrka waxaa sababa baqdin ruux ka qabo in uu waayo Ruux muhiimad gaar ah u leh isaga oo yaqiinsan in ruuxaasi helayo bedelkiisa ama qof Kale oo ka muhiimsan oo ay ka yaraanayso baahidii iyo xiisihi uu ka filan lahaa".
Waxaa halkaa  kaaga  cadaadatay in masayrka aabihiis yahay shaki hooyadiisna ay Tahay kalsooni xumo. waxaa kaloo aad is la markiiba fahmaysaa in aan farqi weyni u Dhaxayn masayrka iyo baqdint.

Maxaa lagu gartaa qofka uu taabtay masyarku: 
Astaamaha ugu waaweyn ee laga dareemo ruux uu hayo masayr waxaa ka mid ah Carro,Walwal,Isku darsan,Ficil qalafsanaan, Khalkhal Nololeed,Tiiraanyo,Tabsho,Didmo,Fogaansho,Hujuun (weerer)joogto ah,Lib xumo ama Abaal kadhac, Ilowsho wanaagii hore iyo waxyaalo kale oo dhowr ah oo ay dadku ku kala duwanyihiin. taxu dhamaan mahayo......  
Caado ahaan dadka soomaalida waxaa ka dhacay qisooyin waa weyn oo uu sababay Masayrku dadka oo dhamina waxa ay ay arkeen ama ay maqleen ruux ama labo qof Oo ay dhibi ka soo gaaratay haba ugu badnaadan dumarkuye.
Taas macnaheedu mahan raga masayrku kuma dhaco balse waxaaba dhacda in raga Qaarkii ay dumarka ka xag jiraan.

Dhibaatooyinka masayrka:
Dhibaatooyinka masayrka lama soo koobi karo ha noqoto kuwo shaqsi iyo kuwo Qoyse waxaase ugu waaweyn galida fal danbiyeedyo joogta ah bur burinta xiriir muhiim Ah mudana laga soo shaqaynayey dhumid iyo bay hoofinta ubadka iyo qayraadka Qooska.
Dhibaatooyinka qaar waxa jira qofku ku damacsanyahay in uu ku soo jiito lamaane uu Is leeyahay waa uu kaa yara fogaaday kuwaas oo dhaliya dhibaatooyin iyo bur bur ka Baaxad weyn waxa uu filanayo.
Ciqaabta iyo bahdilka nafeedi kama maqna meesha isla markaana lama dhayalsan Karo.

Maxaa lagu dawayn karaa masayrka:
Yaqiinsiga muhiimada ay leedahay noloshaada iyo iska difacida darenada ku dhisan Caadifada waxa ay kaa difaaci karaan si baaxad weyn in aan la dhibtooto masayr.
U arag naftada in ay tahay mid ka qiimo badan in ay la waalato waayida wax dhal-Dhalaal ah.
Ku baraarugsananta in ay dhacdani tahay wax xag alle laga qoray waa muhiim.
Kalsoonida iyo hubinta in aad adigu qaldantahay iyo in ruuxaasi uu ku kacay falkan aad Ka xumaatay si kas ah.
"hubsiimo habaa la siistaa" mar walba wax hubso.
Gunta iyo gabagabada ha isku qaldin masayrka iyo jacaylka haddaad aragtid ruux la Dhibtoonaya masayrna ha u qaadan in uu la dhibtoonayo jacayl ragaadiyey oo looga Baxay u qaado in uu la dhibtoonayo shaki iyo kal;sooni xumo ka xumaansho wax uu San calaf ku lahayn.
Ugu danbayntii dad badan ayaa u adeegsada artska masayrka si ay u muujiyaan heerka Jacaylkoodu gaarsiisanyahay balse waxaa aragnaa mar walba dadkaasi in ay ku Danbeeyaan hungo iyo wax la'aan sababtuna waa waddada qaldan ee ay u Adeegsadaan si ay u soo bandhigaan jacaylkooda.
Fikradaha laga qabo waa ay kala duwanaan karaan waxayna noqon karaan kuwo aad u Kala fog.
Haddaba hadaad aaminsantahay in masayrku uu yahay qayb jacaylka ka mid ah aadna Ku adkaysanaysid na ogoysii adigoo halkan hoosi comment kaga tagaya waanuna soo Daabacaynaa fikirkaaga.
Ama ka qaybgal co bixinta dhanka kore ee bidixda ah ka muuaqata.
Mahadsanidiin

Mi aad noola soo xiriirtid fadlan riix halakna CONTACT US.




1 comment: