Sep 30, 2012

FARXADA GURIGU WAXAY KU XIRANTAHAY FARXADA SARIIRT.

qoys-faraxsan
qoys faraxsan
Cilmi baaris badan oo la sameyey ayaa lagu ogaaday in qoyska marwalba faraxsan isku kalsoon isla markaana ay ka muuqato dhiiranaan iyo kalgcayl dhexdooda ah ay haystaan qanacsanaan dhanka raaxada sariirta ah.
waxayna isku raaceen dadka u dhaba gala arimaha cilmi nafsiga haweenka in dumarka laga dherjiyo ama laga haqab iro baahidooda sariirta ay ka firfircooni iyo nashaad badanyihiin marka ay dhacdo taas lidkeeduna ay dhacayso in uu noqdo gurigu meel mugdi ah oo aad moodo in aysan nololi ka jirin.
gabdho badan oo aan wax ka waydiinay arintaas waxay noo carabaabeen in ay wax ka jiraan balse aysan ahayn sida loo sheegayo taasna kaama hor istaagayso in aad ka gaarto go'aan dhamaystiran in ay isku xiranyihiin farxada sariirta iyo farxada qoyska.
walow ay jiraan waxyaalo aad u faro badan oo kaala ama caawiya farxada qoyska haddana waxynaan dhayalsan karin in dumarku ay farxad saa'id ah ku qabaan ama ka helayaan ninka aadka ugu jimciya sariirta isla markaana ku darsada furfurnaanta iyo dabac nugaylka qaasata xiliyada ay soo dhowyihiin ciyaaruhu.

haddaba maxay tahay taladu?

talada ugu muhiimsani waxay tahay in aad fahamto qoftaada sida ay ku tahay sariirta waxyaalaha ay hesho iyo qaab ciyaareedka cajab galiya adiga oo mar kasta banaanka soo dhigaya waxyaalaha u qarsoon si aad u gaarto heer aad dhadhansiin kartid nolol macaan ayna kuugu sahlanaato in aad qalbigeeda ka dhigto wax gacantaada ku jira.
intaas waxaa dheer ama dheeraan kara in qoftaada aad ku anciso dhanka hadalka macaan taladana aad wax ka siiso si ay iskugu dareento in aysan ahayn oo kali ah ruux u samaysan sariirta oo qura.

RELATED:


by webmaster..

1 comment:

  1. Citizen Titanium Watch - India - Tithology
    Watch 다파벳 a live titanium pans display of your favourite TV production! titanium car The Citizen watch is equipped with a smartwatch to watch movies, TV หาเงินออนไลน์ shows and concerts. The device features an  Rating: 4.5 · nano titanium by babyliss pro ‎16 reviews · ‎£34.00 · ‎In stock

    ReplyDelete