Jun 19, 2012

ERAYO SHUKAANSIYEED

Dhaqan ahaan somalidu waxay leedahay af hodan ah oo marka loo eego afafka kale ka cajiibsan waxaase hubaal ah afkaas qaaliga ah haddan loo adeegsan sida uu yahay iyo sida erayadiisu ugu adeeaan qayb kasta oo nolosha ka mid ah in ay imaanayso is faham waa dhex mara dadkaas adeegsanaya afkaas si ay usugu tabiyaan akhbaar gaar ahaaneed.
Marka loo imaado dhanka jacaylkana waaba ka sii xagjirtaa haddaba halkaan waxaan ku soo uruurinayaa wrayo haasaaweed door ah waliba aniga oo isku dayaya mid walba sida loo isticmaalo xiliga la isticmaalo iyo qaabka loogu dhawaaqo amaba loo dhigo marka la isticmaalyo.


aan ku bilaabee:
note: erayada badankooda waxaan isticmaalayaa
dhnka raga tusaale macaane, gacaliye iwm.

  1. gacaliye/macaane: labadan eray waa labo eray oo marwalbo ay adeegsadaan dadka ay ka dhexayso xiriir aad u wanaagsan oo jacayleed waana labo eray oo badanaa ay dadku isku bedeshaan lkn aan ku yaro daadagee mid walba goormaa la isticmaali karaa goormaanse la isticmaali karin. aan ku horma erayga gacaliye waxa uu muujiyaa dareen ka culus kan macaane waxaana isla markiiba aad dhadhansan kartaa danaynta ka muuqata iyo gacaltooyada ku dheehan waxaadna laasimtaa u adeegsigiisa ruux aad u hayso xushmad iyo jacayl dheeri ah sidoo kale wuxuu aad ugu haboonyahay ruux aan guri kuu joogin amaba aysan idin dhex marin xiriir guur, dhanka kale erayga macaane waa ka fududyahay macne ahaan iyo dareen ahaanba waxa aadna ka dhadhamin kartaa in ay ka muuqato dareen danayn jir ahaaneed hadaba eraygan waxa uu aad ugu shaqaynayaa ruuxa leh guriga ee danaynaya in uu dhiso kalsooni iyo kalgacayl guriyeed
  2. xabiibi/qaali: sida ka muuqata erayadaan waa erayo amaaheed naga soo galay afka carabiga waxayse macna ahaan u eg yihiin kuwo aad loo adeegsado hadaba erayga xabiibi inkastoo uusan lahayn kalsooni badab waxa uu aad ugu shaqeeyaa dadka aan si weyn isku aqoon isla markaana ka baqaya in ay adeegsadaan erayada gacaliye/macaane waana eray laga cududaran karo haday ka timaado dhibi dhanka kale erayga qaali macnihiisu horta waa faanin iyo maamuusid waxa uuna siweyn gacan kuu siinayaa marka aad rabto in aad arin ka dhaadhiciso xabiibkaaga si uu isla markiiba kuu siiyo garab iyo gaashaan
  3. saaxiib/rafiiq: inkastoo erayga saaxiib u muuqdo eray guud hadana marka laga eego isticmaalkiisa dhanka jacaylka waxa uu yeelanayaa qiime ka duwan kii hore earaygan waxaad isticmaali kartaa qof mudo aad soo socoteen inaad ugu qalbi dajiso in uu yahay qofkaasi saaxiib aad ku yeelatay nolosha dhanka kale erayga rafiiq waa micnihii saaxiibka balse dhadhan badan kuma leh dhanka gacaltooyada waxa uu muujinayaa kali ah in aadan halmaami karin.
  4. nafta/nolosha: waa erayo aad u qiimo badan waxaana loo adeegsadaa dhanka kalsoonida iyo dhismaha xiriir dhumuc leh waxaadna adeegsan kartaa marka ay jirto xiisad lamaanahaagu kaaga shakisanyahay in aad wax isga ka dhan ah aad ku kacaysid si uu u ogaado in aad tahay naftiisa oo kale.
Intaas ayaan ku soo gaabinayaa ogow erayadan waxa ay u shaqeeyaan hab cilmiyeed aadan adigu arki karin balse waxaa hubaal ah haddaad laasimto in aad ka garan doontid xiriirkaaga iyo kalsoonida jacaykaag.

lasoco qaybta xigta oo aan ku soo qaadan doono (waxyaalaha lagu farxad galin karo jacaylkaaga)












mahadsanid 

SHUKAANSI.BLOGSPOT.COM








1 comment: