Aug 31, 2012

ABUURIDA, ILAALINTA IYO HAYNTA JACAYLKA.(TALOOYIN)

ilaalinta-jacaylka
Ka soo qaad jacaylku in uu yahay beer, bertu waxay u baahantahay abuurid, ilaalin iyo gacan ku hayn joogto ah.
waxay u baahantahay in ay xidida la gasho caro wanaagsan oo ay ka soo duxayso nafaqo macdaneed iyo dheef aad u tayo badan.
waxay u baahantahay in lagu waraabiyo biyo macaan oo qabow ah ayna dusha kaga dhacdo neecaw qabow oo cayaarsiinaysa laamaha iyo ubaxa curdinka ah ee afka keenay.
waxay u baahantahay in laga fogeeyo kulayl iyo dhamac kasta oo keenaysa angag iyo qalal abuuri
kara kala dhantaalmid ku timaada bilicda iyo quruxda beertaas.
Jacaylkuna waxba kama duwana beertaas aan kor kusoo xusney ee u baahan abuurida, ilaalinta iyo gacan ku haynta joogtada ah.
waxaa intaas u sii dheer isaga oo ah wax aan la arki karin ayna dhacdo adigoo u haysta in uu meel wanaagsan kuu maro in aad ku abuuraysid dhagax dushii sidaa darteed waxaa kugu waajib ah in aad siiso ilaalo iyo txadar dheeraad ah adiga oo shaybaarkaaga dul dhiga ubucdiisa.

hadaba jacaylka sidee lagu abuuraa:

waxaa  muhiim ah inta aadan is weydiin su'aasha in aad ka hormarisid jacaylku ma iska abuurmaa mise waxaa keena sababo markaan ka jawaabno su'aasha danbe waxaa inoo fudud in aan ka jawaabno su'aasho hore.
marka waxaan baaritaan iyo khibrad badan ku ogaanay in jacaylka ay abuuraan dareeno ama facraro waaqici ah sidaa darteedna ay dhici karto ama ay macquul tahay in la abuuro.
hadaba si jacayl loo abuuro waxaa muhiim aha in la qaado talaabooyinkan:

  • soo jiidsho: jacaylku waxa uu jecalyahay laftigiisu quruxda quruxduna waa dhisnaan degenaan hufnaan iyo habaysaan waxaad ogaataa hadaad tahay ruux hufan oo degen islamarkaana taxadar iyo qurux isku darsaday in ay kuu fududahay in aad jacayl abuurto oo lagu jeclaado.
  • toosnaan: dhinacwalba ka toosnow ahow qof loo xiiso qof lala fariisan karo qof waxtar leh oo la tabayo hadiuu maqanyahay haduu joogana aan laga dhergayn.
  • dadnimo: ku sifow dadnmo ka gilgilo waxkasta oo dadku kugu nici karaan ha is oran xumaan samee adoo ka eegaya wanaag.
  • dhowrsoonaan: ahow qof lagu yaqaan dhowrsoonaan furfurnaan hadal yaraan buuq la'aan iyo xishood badni ku duugan naftaada.
intaas marka lagaa helo waxaa hubaal ah inaad soo jiidan kartid qofkasta oo aad is leedahay ku abuur jacayl, isla  waqtigaasna aad hanan kartid qalbigiisa. waxaa kaloon meesha laga saari karin arimaahs aan soo sheegnay in ay ka qayb qaataan kalsooni dhisida ayna hadhow kaa caawin doonaan lur kasta oo ku soo wajaha.

jacaylka sidee lagu ilaashadaa:

xanaaga, aar gudashada iyo kululaynta ay ka danbeyso qofkaasi ha kuu soo jeesto wax faaiido ah laguma gaaro ba eh waa ku sii fogaanayaa ruuxaad is leedahay soo xero gasho.
waxaan intaas u leeyahay waxaan marwalba arkaa qof ruux uu jecelyahay ka dheeraanaya asaga oo is leh ha kuu soo dhowaado ama ha kuu soo xiiso arintaasan 60% waxaa u badan gabdhaha,
haday arintaasi jirto maxay tahay arinta badelkeeda ah ee lagu ilaashan karo jacaylkaaga 
waxaana ka mid ah:
  • danayn joogto ah: xiisahaaga oo janjeersada waxa uu abuurayaa kalsooni daro ha dhimin xiisahaaga kuna dedaal soo jiidasho dheeraad ah.
  • xilqaam: iska xilsaar jacaylka kana waan toow ku halaynta sxbkaaga kale.
  • shaki iska saar: xitaa hadday kuu soo uraan wax aad ka biyo diido waligaa si nadiif ah oo ay ku dheehantahay dabeecad wanaag iyo daacadnimo u soo guri.
  • bood bood xariga ha taaban: iska ilow ka fogaanta runta adiga oo xa masuugaya in aad u qirto ruuxaas saamaynta uu kugu leeyahay qalbi ahaan iyo nolol ahaanba sida adiga oo iska dhigaya ruux aan jeclayn amaba afka ka dhahaya kuma jecli adiga oo doonaya in uu kaaga xisaabtamo ruuxaasi qof ka maqan oo ay tahay in uu jiriyo.
haddaad i fahamtay waa in aad beerta ku waraabiso biyo qabow neecawdana u ogolaato.

sidee jacaylka loo haystaa;

dabeecad kulili waa u dareen jacaylka sida biyaha kululi ugu daranyihiin beerta curdinka ah waligaa ka dheerow qalayfka iyo shido abuurka kuna ekow barbaarinta iyo tayeynta iyo naxli saarida jacaylkaaga.
  • dabeecad kulayl: waa dareenka jacaylka 
  • xiriir joogto ah: af iyo aaladba kula xiriir adiga oo dareensiinay nasniin iyo macaan uu ka helayo ruuxaasi agtaada.
  • talaxtag la'aan: waligaa ha ku talax tagin ka fogaanshaha naftaada barkeeda haday dhacdo inaad ka yaro dhirifto.
ugu danbayna waxaan ku talinaynaa in jacaylka la abuuro lana gaarsiiyo meeqaan laga guran karo miro mcan sidaa darteed waa in aan lagu deg-degin bur burintiisa.


wixii talo iyo tusaale ah waa kuu furantahay..

E-MAIL: shukaansiblog@gmail.com



No comments:

Post a Comment