May 6, 2014

Shan waxyaalood oo caafimaadka u roon.

    Waxaa jira waxyaalo fara badan oo qofka caafimaadkiisa jir ahaaneed u wanaagsan kuwaas oo haddii uu sameeyo u noqda go'aan fiican oo uu u aayo.
maadaama caafimaadku yahay waxa ugu horeeya ee qofka bini'aadankaa uu ka taxadaro la'aantiisna aysan suurta galayn qofku inuu anfaco nafiisa iyo bulshadiisa toona waxaa lagama maarmaan ah in caafimaadka la siiyo muhiimada koowaad, labaad iyo saddexaad.

     Haddaba shantaan waxyaalood waa kuwo muhiim ah oo caafimaadkaaga taabo galinaya kana dhigaya mid sugan oo faya qabkiisu yahay heersare.
qodobadaan caafimaad ee halkaan aan idiinku soo bandhigi doono waxay sidoo kale ka sugnaadeen xaga diinta waana dawooyin la soo isticmaalay oo diinta sunne iyo qoraanka lagu soo arkay.

1. xabbad sowdada:

      Wabbad sowdadu waa miro yar oo madmadow oo la cuno, la tumo oo lagu daro cabitaanka siiba shaaha ama la cabo, sidoo kale waxaa lagu milaa saliid islamakaana waa la cabaa ama la marsadaa oo lagu subkaa jirka qaybihiisa siiba madax, sanka cunaha iyo xabadka.
   
   xagee u roontahay:
waxay u roontay qaybaha sare ee jirka iyadoo qofka kala dirirta inuu ku abuurmo caabuq, duuf, sanboor iyo quman. waxa ay aad ugu fiicantahay daweynta sanka iyo cunaha sidoo kale waxaa loo adeegsan karaa xanuunada caloosha waana dawo wanaagsan oo ka sugnaatay nabigeena. waxaa ku saaran inaad isticmaashid maadaama ay u wanaagsantahay caafimaadkaaga, caafimaadkaaguna yahay waxa ugu muhiimsan ee aad ilaashato.
2. malabka:
   
    Waa shay hoor ah, midab casuus ah leh oo ay samayso shinnidu ka dib marka ay soo nuugto dhirta kala duwan ubaxeeda.
waa dawo aan la isku hayn taas oo u wanaagsan xanuuno badan oo xiligan aad ugu soo badanaya wadankeena sida Dhiig karka, macaanka iyo laabjeexa. waxa kale oo uu aad wax uga taraa caloosha oo uu ka qayb qaato sifaynteeda iyo qashin saarkeeda.
waxaa sidoo kale la xaqiijiyey inuu qayb muhiim ah ka ciyaaro ilaalinta timaha luma ama jarma uuna ka hortago bidaarta degdega ah sidoo kalena uu soo celiyo timaha bidaaroobey ee waqtigooda gaarin.
waa dawo u wanaagsan caafimaadkaaga ee cun.

3. caanaha:
    
    Caalamka qof walba oo jooga waxa uu cabaa caanaha waxay ay caanuhu ka qayb qaataan caafimaadkaaga ayagoo la dagaalama ama soo celiya unugyada ku luma shucaaca qalabka farsamada casrigaa ay sii dayaan iyo dhibaatooyinka ay keenaan shaqada iyo daalka faraha badan.
     Caanuhu waxay dhisaan maskaxda waxayna ka hortagaan xanuuno badan sidoo kale waxaa muhiim ah in qofku uu la socdo inay haboontahay in ubadka lagu waraabsho caanaha inta ay yaryihiin.

4. qaraha ama xabxabka:

     Qaruhu waxa uu ka qaybqaataa sifaynta iyo nadiifinta qaybta kaadi mareenka ee jirka bin aadanka isagoo si wanaagsan u xaliya dhibaatada kaadiyeed ee qofka soo food saarta, kaadida oo ah qashin aad u dhibaato badan iyo suman uu aruursahay habdhiskaasi waxaa si waafi ah jirka uga saara waa qaraha. si caafimaadka kaadi mareenkaagu u noqdo mid wanaagsan fadlan qaraha badso.

5. basha iyo toonta:
   Waa labo shay oo qaali ah kuwaas oo waxtara dheecaanka u dhexeeya lafaha si wanaagsana u soo celiya. maadaama ay yihiin geed kulay waxa kale oo ay la dagaalamaan hargabka iyo waxyaalaha ay soo waaridaan dabaysa iyo dhaxant.

   Caafimaadkaaga ka taxadar oo ilaasho waa adiga waxa aad qiimo ku leedahay caafimaadku ee ha moodin inaad caafimaad la'aan naftaada iyo cid kale toona aad wax taraysid.

No comments:

Post a Comment