Dec 25, 2014

Qodbo siro: qarsi iyo quursi.

Ka dib markaan aragnay cabashooyin badan oo kasoo yeeraya waalidiin, dhallinyaro iyo gabdho da'yar taas oo ku saabsan dhibaatada ay leedahay farsamda qodbosiradu shukaansiblog waxa ay go'aansadeen inay idiin soo gudbiyaan xogo iyo talooyin la qodbasirada waxa ay tahay sida loo adeegsado cida adeegsata iyo sida dhibaatooyinkeeda looga hortagi karo, haddaba si aan usoo koobno qormadeena waxaan horay u galaynaa mawduuceena maanta oo ku saabsan qodbasirada.






Waa maxay qodba siro?
Qodbasiradu waa meher qarsoodi ah oo ay ku kacaan laba qof oo is rabti balse ay ku xeeranyihiin duruufo ay markaas u arkaan inaysan ka gudbi karin caqabadahaas oo noqon kara kuwo maangal ah iyo kuwo aan ahaynba
qodbosiro
guurka qodbasirada
"qodbasiradu waa xirfad dhibaato badan oo ay adeegsadaan dad danbiile yaal ah"
qodbasiradu waa xirfad dhibaato badan oo ay adeegsan karaan dad danbiileyaal ah kuwaas oo ka faaiidi kara ruuxa ay la jilayaal jacaylka iyagoo dantoodu tahay inay ka faaiidaan dano jir ahaaneed iyo ku raaxaysi mudo gaaban ah.

maxaa ka mid ah dhibaatooyinka ay leedahay qodbasiradu?
qodbasiradu waxay keentaa dhibaatooyin aad u baaxad badsan oo ay ugu waaweynyihiin:

  • Dadka samaynaya oo sumcadoodu dhunto


marka aad samaysid qodbo siro waxaad samaysay danbi guur waxaadna dhumisay haddii aad nin tahay qiimihii masuulnimo ee ku saarnaa haddii aad gabartahayna waxaad xoortay oo aad booraan ku riday qiimihii gabarnimo iyo sumcadaadii isku mar. intaas kali ah ma ahane waxaad sumcad xumo usoo jiidaysaa waalidkaa iyo dadkii aad qaraabada ahaydeen.
  • Waxaad dayacaysaa ubadkaaga
in guri la yagleelo waxay u baahantahay qorsheyaal waaweyn sida in laga fekero nolosha danbe ee ubadkaaga balse haddii aad qodbasiro ku mehersatay xaaskaaga waxaad ku dhacday qalad weyn.

  • Waxaa burbura qoyskaaga kale.
haddii aad qabtay xaas kale oo aad qodba siro ku kacday waxaad dhumisay xaaskaagii iyo ubadkaagii kale ee aad kusoo tiir iyo tacab beeshay.
  • Qodbasiradu waxay qaadataa farxada qoyska
waxaa hubaal ah inaad dhumin doonto dhammaan wixii farxad ahaa ee aad ku taami jirtay siday doonto ha u ekaato.

Yaa isticmaali jiray waqtigii hore qodba sirada haddase yaa isticmaala?
qodba sirada waayihii hore waxaa adeegsan jiray dadka safarkoodu badanyahay waqtiya badana ku qaata inay ka maqnaadaan qoyskooda iyo degaanka ay ku noolyihiin sida wadaada, ganacsatada iyo dadka safarada kaxeeya, halka xiligaan ay adeegsadaan dhallinyaradada, aqoonyahanka, iyo qurbe joogta waxayna sii noqonaysaa xaalad sii kacirmaysa oo ay wajahayaan waalidiin badan waxaana ku dhalanaya ubad farabadan oo aan haysan meel ay u irkadaan ama lahaynba aabe  iyo hooyo rasmi ah.

Ma jirtaa dhibaato gaar ah oo la tilmaami karo taas oo ah arin aan loo baahnayn:
qodbasiradu waxay aad u taageertaa in si sahlan uu u faafo furiinka, khilaafka qoyska iyo in gabdho badan la dhigo mustaqbal xumo iyogoo gabarnimadooda lagu cayaaro kadibna looga tago korinta iyo kadeedka ubadka.
waalidka oo ka niyadjaba ubadkooda markay ogaadaan in si qarsoodi ah loogu guursaday magaalada iyagoon ka warhayn.

Sidee looga hortagi karaa ama aan uga fogaan karaa:
si aad uga fogaato dhibaatada qodbasirada waxaa loo baahanyahay inaad fahamto siyaasadaha iyo qaababka ay adeegsadaan dadka ku shaqaysta arintaas, waxaa loo bahanyahay inta aadan ku dhicin shabaq aadan ka bixi karin inaad u fiirsato hordhigtana caqabado raga doonaya inay kuu kaxaystaan qaabka ay doonayaan, haddii ay gabartahayna aad ku qanciso inaad hannankarto oo aad adigu aad ka noqon karto masuul.

wixii ay kula tahay adiguna nala wadaag:

shukansiblog@gmail.com 


No comments:

Post a Comment